Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
14- Sept-2023- Muqdisho-Sntv
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, haatanna ay ummadda Soomaaliyeed go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka, Isaga oo ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, waxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu ay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti.
The Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Mr. Hamsa Abdi Barre, said that Somalia is on the road to development and recovery.