Reysilwaasaare Xamsa Ayaa U Abababaxay Magaalada Doha ee Dalka Qatar Oo Martigalineysa Shirka Qurba joogta Soomaliyeed

21-July-2024″ Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo gaaray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamsa ee dalka Qatar ayaa la la xiriiriyay ka qeybgalka shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sido kale kulamo muhiim ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar