Daawo: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo daahfuray afur wadareedka sanadlaha ah

22- March-2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan, kaas oo lagu xoojinayo isu soo dhaweynta Xukuumadda iyo Muwaadiniinta.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS mudane Cali Xaaji,

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cigaal, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Balluugga ah XFS Mudane Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynya XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS,

Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Leave a Reply