Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddi hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda Deyn Cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalkeenna

.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso muhiimadda deyn cafintu ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya ayaa laga cafiyay malaayiin dollar oo deyn iyadoo tii ugu dambeysayay dhowaan ku dhowaaqday dowlada Maraykanka inay ka cafisay dalka Soomaaliya deyn gaareysa malaayiin dollar
