Ra’iisul wasaare hore Rooble oo fariin culus soo diray

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in aan danta gaarka laga hormarin danta Guud Iyadoo natiijo la’aan uu ka soo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho

Rooble ka hadlayay Munaasabad lagu saxiixayay dhismaha Dekeda Hobyo ayaa fariin u diray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleeyda xili madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Isaga baxay shirka uu dib ugu laabtay Kismaayo

Saddex siyaasi oo si weyn uga soo horjeeda qorshaha Villa Soomaaliya

👉Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa soo dhaweeyay  aragtida Axmed madoobe iyaga oo Laftagareen, QoorQoor iyo Cali Guudlaawe uga digay in ay ka fiirsadaan tallaabada ay qaadayaan, si aysan qayb uga noqon arin ay ku tilmaameen muddo kororsi

Saddexdan siyaasi oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu ku dhowaaqo muddo kororsi, waxayna shaaciyeen in aanay marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ku marmar siyoonayo doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay muddo kororsi oo kaliya

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka

👉Reysilwasaare hore Cali Maxamed Geeddi ayaa taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo horleh

Geeddi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna aad u boggaadiyay dadaalka uu gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugaayeen inay codadkooda dhiintaan, si ay u doortaa hoggaankooda, taas oo ah fursad muhiim ah.

“Waan la socdaa in dowladda ay dadaal badan ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waana waxa umadda Soomaaliyeed si wayn u sugeysay mudda kabadan 50-sano.,shacabkuna soo doortaan cidda hogaamineyso waana arin fiican in awooda shacbka loo celiyo” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cali Maxamed Geedi.

Waxaa kale oo uu farriin u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay u turaan dadkooda, ayna raacaan rabitaankooda.

“Golaha wadtashiga iyaga ayaa kal hore ku heshiiya doorasha qof iyo cod ah hadan in siyaasiyiinta qaar ka horyimadaan waxa ay shalay ay noo sheegeen waxa laga filayay ma ahan, balsa waxaan kula talin lahaa in loo tanaasulo dalka iyo dadka”. ayuu mar kale yiri