Dubai” 30″ Jan”2022
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ay ujeedkeedu tahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Rooble ayaa waxaa safarka ku wehliya; Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.
Waa booqashadii ugu horreyasy ee Rooble uu ku tago Imaaraadka Carab壯陽藥 ta tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay, waxeyna imaneysaa kadib markii uu sheegay inuu ka shaqeynayo hagaajinta xiriirka labada dal.
Rooble ayaa 7-dii Janaayo waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.
Rooble ayaa dowladda Imaaraadka u ballan-qaaday in lacagtaasi oo wali ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya dib loogu celin doono.
Lacagtaas oo ku dhaweyd 10 milyan oo dollar oo ay sidday diyaarad ka timid Imaaraadka Carabta, ayey safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ay ku sheegtay in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas sheegtay in lacagtaas loo waday dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.