Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo oo U Dhoofay Imaaraadka Carabta

30″ Jan” 2022″ Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay Magaalada Caasim壯陽藥 adda ah ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay socdaalkiisa ku wehlinayaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Rooble ayaa inta uu joogo Magaalada Dubai waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Imaaraadka Carabta, isagoona kala hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo Arrimo kale.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu xumaaday.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horraantii bishan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadaas, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, allaabadaas ayaa la tilmaamay irdaha u furtay inuu dib caadi ku soo laabto xiriirkii labada dal.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amar ay maanta soo saartay ku sheegtay in aan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Aadan Cadde bishii April ee 2018-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo sheegay in lacagtaas dib loogu celin doono Imaaraadka Carabta, isaga oo Abu Dhabi ka raali geliyey dhacdadii lagu qabtay lacagta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in lacagtaas aan laga saari karin Bankiga Dhexe, isagoo ku sababeeyay inuu baaritaan ku socdo.

Warqaddan ayaa ku soo beegmeysa Xilli Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u amba baxay dalka Imaaraadka Carabta, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Leave a Reply