Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliika Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska.

Raysilwasaaraha ayaa ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka

Ra’iisul Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

“Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska. Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”
Mudane Rooble ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.
Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
