10″ July ” 2021 “Garbahaarey
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay Garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumadda.
Rooble ayaa waxaa dhagax dhiga ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka, qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta, dhalinyaro iyo mas’uuliyiin kale.
Rooble oo Gaaray Magaalada Garbahaareey
Ra’sul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen maamulka iyo shacabka degmadaas.
Rooble ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan.
Ujeedada ugu weyn ee safarka Ra’isul Wasaare ee Jubaland ayaa ah sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland, kaas oo la xiriira maamulka gobolka Gedo oo muddo dheer khilaaf ka taagnaa
Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin labada magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa intii aanu ka ambabixin magaalada Kismaayo wuxuu sheegay in uu booqasho ku tagi doono dhammaan magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada dadban ee Soomaaliya
Rooble oo sheegay inuu booqanayo magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashada
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu safaro ku tagayo dhammaan deegaanada ay ka dhaceyso doorashooyinka, isagoo caddeeyay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay mas’uul ka tahay doorashada ka dhaceyso Kismaayo iyo Garbahaarey, isagana uu ku kormeerayo kulana xisaabtamayo hirgelinta arrimaha doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka ambabaxin magaalada Kismaayo waxaa uu kormeeray goobta magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo doorashada labada Aqal, isaga oo kulan dardaaran ahaa la qaatay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo hadlay ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka, sida, Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo,Jowhar iyo Beledweyne.
Rooble: ” Madaxweynaha jubaland Waan Kula Xisaabtami Doonaa Doorashada”
Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu madaxweyne Axmed Madoobe kula xisaabtami doono doorashada federaalka ee ka dhacaysa Jubbaland.
“Jubbaland waxay masuul ka tahay doorashada Kismaayo iyo Garbahaareey, waxaan masuuliyadda doorashada kala xisaabtamidoona madaxweyne Axmed. Waxaan u rajeynayaa inuu ilaaheey la garab la galo,”
Raysal wasaare Rooble ayaa hadalkan yiri xili uu maanta soo gabagabaynayey safarkii uu ku joogay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka Jubbaland.
Intaasi kadib Raysalwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa u ambabaxay gobolka Gedi gaar ahaan magaalada Garbahaareey, wuxuuna sheegay in ujeedka safarkiisu uu qeyb ka yahay arrimaha hirgelinta doorashooyinka oo uu ku tegi dooni dhammaan magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.