3″ June “2021 Jowhar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqashadii ugu horeysay ku tegey magaalada Jowhar tan iyo markii uu xilkaasi qabtay ayaa sheegay in indhahiisa uu ku soo arkay dhibaatada fataahada wabiga Shabelle uu soo gaarsiiyay shacabka ku nool ka magaalada Jowhar, waxana uu xusay in xukuumadiisa ay u dejin doonto nidaam loogaga hortago fatahaada loona helo xal waara.
“Waxaan halkan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibbadaba inay u istaagaan oo ay gacan siiyaan dadka ay saameysay fatahaada wabiga.”ayuu yiri Ra’iisuL Wasaare Rooble.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka qeybqaataan sidi gacan looga geysan lahaa fatahaada wabiga Shabelle.
Xayeeysiin
“Waxaan si rasmi ah aan codsi ugu jeedin doonaa Beesha Caalamka inay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysay fatahaada wabiga Shabelle ee ku sugan magaalada Jowhar.”ayuu yiri ra’iisul Wasaare Rooble.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar ayuu ku sheegay ra’iisul wasaaraha in uu guddi u saarayo sidii wax loogu qaban lahaa fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyay gobolka Sh/dhexe
Booqasho saacado qaatay oo uu kutegey Ra’iisul Wasaare Rooble magaalad Jowhar ayuu ku tegey kanaalka Kalundi oo 2km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Jowhar halkaas oo uu ku soo arkay biyaha wabiga Shabelle ka soo fatahay oo jaray wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo muddo bil ah ay biyo go’odoomiyeen.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaysa iyadoo muddo bil ah magaalada Jowhar ay saddex jiho ay biyo ugaga hareereysan yihiin ayna maciishada nolosha sare u kacday.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gargaarka ee dowlada Federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale.
Kumanaan qoys ayaa ku barakacay fatahaad ka dhalatay wabiga Shabelle horaantii bishii aynu ka soo gudubnay iyadoo sidoo kale fatahaaduna ay baabi’isay kumanaan hekter oo ay dalagyo kala duwan ku abuurnaayeen.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar iyadoo diyaarad helikabtar ah ay ka soo dejisay ra’iisul wasaaraha saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca Bari ee magaalada Jowhar.