Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay bixinta Ruqsadaha Duulimaadyada

Wednesday ” 10″ November “2021″ Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shahaaddada duulimaadyada hawada iyo ruqsadaha duuliyenimo Guddoonsiiyay shirkadda diyaaradaha ee Freedom Air iyo duuliyeyaal Soomaaliyeed, kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad uu ku daahfurayay bixinta Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada (OAC) oo ay bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Waaxda duulimaadka soo celinta ruqsad bixinta diyaaradaha oo ahayd sumad muhiim u ah nidaamka dowladnimo.

Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay ganacssatada iyo shirkadaha ka shaqeeya dalka in ay qaataan ruqsadda, si ay uga maarmaan wadamadii kale ee shatiyada siin jiray.

Diyaaradaha iyo duuliyeyaasha Ruqsadaha la siinayo ayaa isugu jira kuwa ka shaqeeya gudaha dalka iyo dibeddiisa, taasoo ay ka

muuqanayso sumadda diiwaangelinta Soomaaliya.

Dhinca kale Ra’iisul wasaaraha XFS oo furay Madasha arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble, ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen, si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.

Leave a Reply