24″ Feb”2022
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Adam Cabdulmowlaa ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha abaaraha dalka iyo gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay ee kunool deegaano ka tirsan Gobolada dalka.
Waxaa kaloo kulanka looga arrinsaday inta uu socday isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee Gargaarka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa wada dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadka ay abaarta ku saameeysay deegaano iyo degmooyin ka壯陽藥 tirsan Gobolada dalka, waxaana Xukuumadda ay Codsiyo la xiriira u gurmadasha dadka Soomaalida u dirtay Beesha Caalamka.