Sunday ” 26″ September “2021” Muqdisho
Radius up Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wado dadaalo ku aadan qabsoomida doorashooyinka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Dowlad Goboleedyada qaa壯陽藥 r ay soo dhameestireen doorashada aqalka sare halka kuwa qaarna ay u harsan yihiin Xubno waxaana ugu dambeesay Hir-shabeelle oo labo kursi u harsan tahay islamarkaana uu weli ka taagan yahay khilaaf.
