Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka wadahadlay sidii looga wada shaqeeyn lahaa horumarinta dalka iyo sidii doorashooyinka dalka ay u dhici lahaayeen sidii lagu heshiiyay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu dadaalkiisa ugu badan geliyo Arrimaha doorashooyinka iyo waxka qabashada dhinaca Amniga.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii loo dhaariyay xilka ayna ansixiyen xildhibaanada baarlamaanka waxaa uu waday kulamo kala gedisan,waxana uu noqonayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe madaxweyne dowlad goboleed ee uu la kulmo tan iyo ansixintiisa.