1″ January “2022″ Muqdisho
R/Wasaare Rooble ayaa u muuqda in uu Sharciga la tiigsan doono cid kasta ooy ku Cadaato abaabulkii iyo ka qaybqaadashada dhacdadii 27 December ee isku dayga Afgambigii fashilmay oo uu magacaabay gudi Bari犀利士 taan sida uu ku yiri qoraal kooban oo uu Soo dhigay bartiisa Twitter ka
Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda
Wasiiradaan ayaa kala ah.
1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah