Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaqada ka eryay wasiirkii arimaha dibada sameeyayna xilka qaadis iyo magacaabis cusub

20″ November ” 2021 Muqdisho” SONNA

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, iyadoo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah loo magacaabay Cabdi Siciid Muuse oo hadda ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda loo magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), sida Macallimuu ku sheegay qoraalkiisa.

Wasiirka xilka laga qaaday Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Twitter ku sheegay in uu壯陽藥 “la yaabay in la beddelay” isaga oo xusay in uu “toddobaadkii hore gudbiyay codsi ah in uu iscasilo.”

“Waxaa farxad ii ahayd in aan u adeego qaranka Soomaaliyeed, waxaanna dabcan guul u rajeynayaa wasiirka i bedelay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa la magacaabay wasiir cusub oo ay yeelaneyso wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo loo magacaabay Maxamed Aadan Macallin (Soomaali).

Ugu danbeyn, qoraalka ayaa lagu sheegay in Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) loo magacaabay wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Leave a Reply