29″ April “2022” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hambalyo u diray guddoomiye ku-xigeenada 1aad & 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa sheegay in dalku isu diyaarinayo sidii loo guda gali lahaa doorashada madaxweynaha ka dib markii la soo gabagabeeyay doorashada gudoonka labada aqal
R/ wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guuleystay in uu soo gabagabeeyo doorashada gudoonka labada aqal ee baarlamaanka somalia
Marka laga yimaado in ay si xor iyo xalaal ah ay u dhacday doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka waxay u ektahay in R/Rooble uu isu diyaarinayo in la guda galo todobaadyada soo socda doorashada madaxweynaha Isaga oo meesha ka saaraya in waqti kale dalka lagu lumiyo, marka la eego caqabadihii uu riixayay farmaajo ee hortaagnaa doorashada mudada dheer la kulmaysay dib u dhacyada
壯陽藥 -family:Faustina;font-size:42px”>Madaxda Soomaalida oo soo dhaweeyay doorashada guddoomiye ku xigeenada golaha shacabka ee la doortay
Madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya Xasan shiiq maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka
Sidoo kale doorashada guddoomiye ku xigeenada ee golaha shacabka ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Hirshabelle iyo koofur galbeed.
Dhanka kale xubnaha mucaaradka ayaa dhankooda waxaa ay taageereen guddoomiyeyaasha cusub ee caawa lagu doortay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho