Ra’iisul Wasaare Rooble oo u Hambalyeeyay maxamed Ibrahim macalimuu markii uu ku guuleeystay kursiga loo Doortay ee xildhibaanimada

27″Feb” 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa hambalyo gaar ah u diray Afhayeenka Xukuumadda Macallimuu oo maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu hambalyeeyay Afhayeen Macalimuu oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, kadib markii Afhayeenka loo tanaasulay, uuna tartanka ka hadlay Musharaxiin la tartami lahaa.

犀利士 age”>

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in Macalimuu uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag, isagoona xusay inuu mudnaa Macalinka inuu noqdo Xildhibaan.

“Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn. Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay. Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Maanta kusoo baxay oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu u tanaasulay Xasan Cabdicasiis Xasan oo la tartami lahaa Macalinka.

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirsigiisu yahay Hop#068, kaasi oo kusoo baxay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya.

Doorashada kursiga Hop#068 ayaa waxaa uu ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah  Xasan Cabdicasiis Xasan iyo Maxamed Ibraahim Nuur oo loo yaqaano Macalimuu ahna Xukuumadda Federaalka, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Xasan.

Ergada doorashada ayaa Maxamed Ibraahim Macalimuu ugu coddeeysay qaab gacan taag ah, isla markaana waxaa uu helay 92 Cod oo ah dhammaan codadkii kalsoonida ku siiyeen Macalimuu oo ku soo baxay doorashada kursiga.

Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#068 uu kusoo guuleystay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Afhayeen Macalimuu ayaa 16-ka bishii Janaayo 2022 Magaalada Muqdisho lagula beegsaday qarax Is-miidaamin ah oo kasoo gaaray dhaawac, waxaana markii dambe dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga oo lagu soo daaweeyay, isagoona Maanta noqday Xildhibaan.

Leave a Reply