27″ December “2022” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaaban doonaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somlia Dheeho.com
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in howlgaladii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka bilaabeen deegaanka Basra iyo deegaanada kale ee ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iney haatan usii talaabeen deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana dhawaan ciidamada ay xureyn doonaan deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin kooxda Shabaab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan abaabulkii ugu dambeeyay ay ka socdaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, islamarkaana Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay dardar galinta howlgalada lagula dagaalamayo ciribtirka kooxda Al-shabaab oo somalia ka waday mudo 15 sano ka badan dagaal dhiig badan ku daatay
Ururka Al-shabaab ayaa haatan guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe laga saaray iyadoo ay deegaanada kale Hirshabeelle ay ka socdaan howlagllo culus ayuu yiri raysilwasaare xamza