Muqdisho, Diseembar 29, 2023;
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka kubada csagta Dowlad-goboleedyada iyo gobola banaadir garoonka Staudiom Muqdisho. Tartankan oo ciyaartooyda Galmudug Iyo Hirshabelle lagu furay tartanka ayaa ku dhamaaday Barbaro 1-1 ah ooy Isla dhaafi waayeen ciyaartooyda labada maamul
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Staudiom Muqdisho.
Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wada壯陽藥 jirka shacabka Soomaaliyeed.
“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.
Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.
Dhinaca kale Carlo Ancelotti: Tababaraha Real Madrid ayaa saxiixay heshiis cusub ilaa 2026
Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa u saxiixay kooxdiisa heshiis cusub kaas oo socon doona ilaa June 2026.
Talyaaniga, oo 64 jir ah, ayaa markii labaad loo magacaabay Bernabeu 2021 isagoo u saxiixay heshiis saddex sano ah.
Waxaa lala xiriirinayay inuu qabto xilka maareeyanimada Brazil horaantii sanadkan laakiin wuxuu sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda.
Ancelotti ayaa ku guuleystay 10 koob isaga oo ah tababaraha Real, oo ay ku jiraan labo Champions League – oo ay ugu dambeysay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda ee 2021-22.
Waxa uu sidoo kale kor u qaaday hal horyaal oo La Liga ah, laba Copas del Rey, laba koob oo kooxaha adduunka ah, laba European Super Cups iyo Spanish Super Cup hal mar.
Ancelotti ayaa horay u soo maamulay Real intii u dhaxeysay 2013 iyo 2015, iyadoo bixitaankiisa ay ku soo beegantay sanad ka dib markii uu ku guuleystay Champions League.
Waxa uu ku soo laabtay mar labaad oo uu maamulo, isagoo bedelay Zinedine Zidane, ka dib markii uu ka tagay kooxda Premier League ee Everton bishii Juun 2021.
Tababaraha Real ayaa ah tababaraha kaliya ee ku guulaysta afar koob oo Yurub ah, halka sidoo kale uu yahay macalinkii ugu horeeyay ee ku guulaysta dhamaan shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub ee Italy, England, France, Germany iyo Spain.