Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka K/ Galbeed ayaa gudoomiyay ..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah AShabaab

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka AS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta, isaga oo soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la dhammaystiro howlgallada socda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kala hadlay Odayaasha Dhaqanka xiisada DFS iyo K/ Galbeed

)Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay doorka ay dhaqanku ka qaateen dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda iyo bulshada.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka looga fadhiyo kaalintooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo gobanimda ummadda Soomaaliyeed, meelna looga soo wadajeesto wax walba oo dhaawacaya wadajirka bulshada.

Raiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay odayaasha doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen taageeridda dowlad-dhisidda iyo taabbagelinta hannaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo xusay in odayaasha dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu dhisayo dowladnimada.