Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Muqdisho-2-May-2024″ Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis kale oo lala galay dowlada Turkey, Iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamsa uu dhinaca kale la saxiixday 15 Wasiir Ballanqaadka Xukuumadda iyo qiimeynta Waxqabadkii 4tii bilood ee la soo dhaafay.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiis iskaashi oo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada Ballanqaadka iyo qiimeynta Waxqabadka 4tii bilood ee la soo dhaafay iyo hiigsiga Waxqabadka inta ka dhiman sanadkan, taas oo qeyb ka ah hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballanqaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee Xukuumadda DanQaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.