Ra’iisul wasaare Xamse oo baaq u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

2″ Aug”2022″ Muqdisho”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta magacaabay Golahiisa Wasiiradda ayaa baaq ku aadan ansixinta xukumadda u diray Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Golaha Wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ka codsanaya in ay meel mariyaan Xukumadda aan ug犀利士 u magac daray Dan-qaran oo aan ku saleeyay baahiyaha ka jira dalka magacaabistooda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Sidoo kale, waxaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Xukumadda magacaaban, si ay u gudato waajibaadka hor yaalla.

Mr Xamse ayaa magacaabay Xukumad ka kooban 26 Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo weliba Wasiiru Dowle yaal.

Leave a Reply