Ra’iisul Wasaare Xamse oo cambaareeyay Qaraxii Jowhar OK geeystay Burburka Baaxad Leh

17″ July “2022” Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay Qarax Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu weeraray Hotel ay degnaayeen Mas’uuliyiin.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa tacsi ugu diray guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, wuxuuna sidoo kalena telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweyne Cali  Guudlaawe ka xog-wareystay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay oo ay ka muuqdaan burbur baaxad leh oo qaraxu gaarsiiyay dhismaha Hotelka Nuur Doob iyo dhowr guryo oo ka agdhawaa Hotelkaas

Khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh ayaa ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah oo Maanta lagu weeraray Hotelka lagu magacaabo Nuur Doob oo ku yaalla bartamaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirsbabeelle.

Si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaado ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay kamid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo Hotelka degan.

Sawirro laga soo qaaday Hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo uu geystay qaraxa, isla markaana waxaa dumay qeybo kamid ah dhismaha Hotelka iyo dhowr Guri oo ku yaalla aaga Hotelka Nuur Doob iyo dhismayaal goobo Ganacsi

Isbitaalka weyn ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa la geeyay dad farabadan oo qaba dhaawacyo kala duwan, iyada oo dadkana isugu jiraan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, xaaladda Magaalada Jowhar gaar ahaan aaga uu qaraxu ka dhacay ayaa kacsan.

Ciidamo ka tirsan oo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle ayaa buux-dhaafiyey goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray gebi ahaan waddooyinka halkaa犀利士 s gala iyo kuwa kabaxa, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ay uga hadlayaan qaraxa.

Hotelka la qarxiyay ayaa la tilmaamay in ay degan yihiin inta badana ka cunteeyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin, Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah sheegta, inkastoo aysan weli ka hadlin qaraxaas dhacay.

Leave a Reply