Ra’iisul Wasaare Xamse oo si diirran loogu soo dhaweeyey Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi ay kamid yihiin Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel Gaarka ah ee Jubbaland.

Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, dadweyne kale ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xiran dharka Ciidanka ayaa halkaas u gaaray dhiirogelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo howgallo ka dhan ah Khawaarijta kawada halkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhawaan ka sameeyay halkaas howlgallo lagu khaarajiyay in kabadan 150 khawaarij ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay tiro kale, waxaana wali socda dabagalka firxadka ka baxsaday howlgallada barakeysan ee wali socda.