Daawo” R/ Wasaare Xamse” Oo Culumada La Hadlay ” Cadeeyayna Mowqifka Dowlada ee Dagaalka Gaza

2- November-2023- Muqdisho “

RW Xamse “Markii Dalku Khatar Ku Jiray Dadka Hubka Qaatay Waxay Ahaayen Culimadii Soomaaliyeed”

犀利士 — wp:paragraph –>

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa culimada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay hormuud ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ah difaaca diinta. “

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka, ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhinaca Kale DF Somalia oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan dagaalka Xamaas iyo Israel ee Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, uuna yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Sheekh C/qaadir Al-Jilaani oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa yiri: “Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto,taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre hadalkiisa ku daray “Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in carruur ,haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo,waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka iyo dhakhaatirtii,isbitaalkii”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in reer Gaza laga jaray biyihii, korontadii iyo cunadii oo ay ka hor istagtay Israa’iil, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta magaalada ay tahay mid adag, waxuuna is waydiiyay halka ay jiraan kuwa u dagaalami jiray xuququl insaankii dadka.

Leave a Reply