壯陽藥 ed-color has-text-color has-medium-font-size”>16″ January “2023 ,'” Ceeldheer
Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo sanado badan ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Al-Shabaab.
Qabashada Ceeldheer ayaa waxaa xaqiijiyey wasiirka gaashnaadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen ciidamada.
Waa magaaladii saddexaad oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug oo ay ciidanka dowladda ka qabsadaan Al-Shabaab muddo laba maalin gudahood ah.
Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale shalay qabsaday magaalooyinka Galcad iyo Xarardheere oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhallinyarada weli ku jirta Al-Shabaab ugu baaqay inay kasoo baxaan kooxda.
DHINACA KALE ” Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay qabsashadii degmada Xaradheere ee gobolka bartamaha ee Somalia ee maamulka Galmudug. Dheeho.com
Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay qabsashadii degmada Xaradheere oo In kabadan 10 at maamulayeen kooxda shabaab
Cadowgii umadda waa la burburiyay”,ayuu yiri Raysilwasaaraha oo aad ugu riyaaqay guulaha Ciidamada iyo dadka deegaanka
Milateriga Soomaaliya ayaa la wareegay magaalo xeebeedka istiraatiijiga ah ee Xarardheere oo laga saaray kooxda Al-Shabaab kuwaas oo mudo dheer fariisin muhiim ah ka dhigtay magaaladaas
La wareegida dowlada ee Xarardheere ayaa waxay dharbaaxo ku noqoneeysaa kooxda shabaab , iyadoo Burburka dekedda iyo marinkii sahayda ay u adeegsan jireen oo lava qabsaday loo arko inay dhabar jab ku tahay kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.
Bilihii la soo dhaafay oo Somalia ay ka dhacday Isbadel dhinaca hogaanka ah Alshabaab waxa ay lumiyeen dhul badan, kadib markii hogaanka cusub ee Somalia oo uu ku soo laabtay Madaxweeyne Xasan Shiikh uu kordhiyay weerarada joogtada ah ay qaadayaan ciidamada dowladda oo taageero ka helaya maleeshiyo beeleedyada deegaanada , Balse fallaagada xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa si joogto ah uga jawaaba weeraro qaraxyo ah ooy la la beegsaneeyso dadka rayidka ah