Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay qabsashadii degmada Xaradheere

16″ January “2023

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay qabsashadii degmada Xaradheere ee gobolka bartamaha ee Somalia ee maamulka Galmudug. Dheeho.com

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay qabsashadii degmada Xaradheere oo In kabadan 10 at maamulayeen kooxda shabaab

Cadowgii umadda waa la burburiyay”,ayuu yiri Raysilwasaaraha oo aad ugu riyaaqay guulaha Ciidamada iyo dadka deegaanka

Milateriga Soomaaliya ayaa la wareegay magaalo xeebeedka istiraatiijiga ah ee Xarardheere oo laga saaray kooxda Al-Shabaab kuwaas oo mudo dheer fariisin muhiim ah ka dhigtay magaaladaas

La wareegida dowlada ee Xarardheere ayaa waxay dharbaaxo ku noqoneeysaa kooxda shabaab , iyadoo Burburka dekedda iyo marinkii sahayda ay u adeegsan jireen oo lava qabsaday loo arko inay dhabar jab ku tahay kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.

Bilihii la soo dhaafay oo Somalia ay ka dhacday Isbadel dhinaca hogaanka ah Alshabaab waxa ay lumiyeen dhul badan, kadib markii hogaanka cusub ee Somalia oo uu ku soo laabtay Madaxweeyne Xasan Shiikh uu kordhiyay weerarada joogtada ah ay qaadayaan ciidamada dowladda oo taageero ka helaya maleeshiyo beeleedyada deegaanada , Balse fallaagada xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa si joogto ah uga jawaaba weeraro qaraxyo ah ooy la la beegsaneeyso dadka rayidka ah

Leave a Reply