Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dul istaagay baaxadda dhibaatada Roobabka El-nino ay gaarsiisay deegaannada Jubbaland

26- November-2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda adag ee soo food-saartay kumannaan qoys oo ku dhibaataysan deegaannadan, kuwaas oo ay barakiciyeen daadadku, xoolihii iyo dalagyadii beerahana ay ka galaafteen, waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaa壯陽藥 rka in ay u kacaan gurmad, si le eg baaxadda dhibaatadan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka digay xaalad caafimaad darro oo ka dhalata goobaha lagu bara kacay, maadaama aysan haysan biyo nadiif ah, isla markaana ay halis ugu jiraan cudurrada ka dhasha biyaha, waxa uuna faray Hey’adaha Heer Federaal ee gurmadka iyo adeegyada bulshada in ay dardar-geliyaan doorkooda ku aaddan samatabixinta dadkeenna Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Leave a Reply