15″ April “2023”
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.
犀利士Safarkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinaya qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada, ayada oo ay soo dhaweyn u sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Riyad.
Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta gudahashada Cimrada oo maalyiin muslimiin ah ay Bisha barakeesan ee Ramadaan gaar ahaan tobanka dabe ay ku gudanayaan acmaasha Magaalada Barakeysan ee Makah ee dalka Sacuudiga.
War kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay socdaalkan, ayada oo ra’iisul wasaaruhu u duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu duceeyay Ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo fariin u diray ciidamada Xoogga dalka.