17- October-2023
Rajo_Galintii_Farmaajo_Waxay_Rucle_Orod Galisay_Riyada_Abiy
Balanqaadkii afka ahaa ee uu farmaajo Afarta dakadood ku siiyay itoobiya ayaa kor u sii qaaday Riyada Abiy ee ku aadan badda Somalia 🇸🇴
R/wasaaraha Ethiopia Abiy axmed oo isku dayaya in dhibaatada kaga furan gudaha dalkiisa uu ku xaliyo raadinta meel ay itoobiya uga soo dhawaan karto biyo badeed ayaa bilaabay in uu ka hadlo helitaanka badda Sayalc ee gobolka soohdinta Soomaaliya ay la wadaagto Djibouti
Lama oga in soo hadalqaadistiisa biyaha Saylac ay noqon karto mid ugu yaraan damisa rabshadaha Qowmiyadaha iyo maamulkiisa u dhaxeeya, iyadoo eedeeymaha la xiriira xadgudubyada ee ay todobaadkan soo saartay heyadda ©amnesty International uu yahay mid ka deyrinaya tacadiyada xuquuqul iinsaanka ee maamulka Abiy
“Somalia oo dhawaan cad ka mid ah biyaheeda ka soo dhacsatay Kenya kadib dacwad mudo soo jiitamaysay oo maxkamada ( I C J ) lagu kala baxay , ma sahlana in xoog iyo xeelad midna lagu xalaaleeysan karo kheyraadkeeda, iyadoo hanti ummada Soomaaliyeed ka dhaxeeysa aysan jirin qof awood u lah in uu ku bixiyo go,aan_qaadasho kaligiis ah, sidaas waxaa yiri xeeldheerayaal Somali ah oo ku taqasusay arimaha sharciga”
“Inkastoo Itoobiya ay dhisatay ciidamo badeed hadana dadka wax falanqeeya qaarkood waxay rumeysan yihiin in maamulka Adisababa uu arimaha uga danleeyahay si uu ugu mideeyo kala daadasanaanta soo wajahday dadkiisa tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii maamulka Tigray iyo Adisababa oo ay soo raacdo muranka Qow壯陽藥 miyadaha amxaarada iyo Oromada
M/weynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo marna ma horgeeyn baarlamaanka Somalia ee waqtigiisii jiray iyadoo ay dad badani Isweydiiyaan sababta uu uga gaabsaday farmaajo dhowr kalafadhi oo uu baarlamaanka u furay
Sheekooyin balanqaadkii afka ee afarta dakadood, ayayse dadka qaar la xiriirinayaan inay aheyd mid ku madlaneyd suurtagalinta Soo laabasho farmaajo oo dhacda