Raysal wasaaraha Soomaaliya oo qodobbo amnigu ka mid yahay kala hadlay Mareykanka

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galaya shirka Qaramada Midoobey ee ka socda New York, ayaa kulamo gaargaar ah la yeeshay qaar ka tirsan madaxda shirka ka qayb galaysa.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay Xamse Cabdi Barre raysal wasaaraha Soomaaliya waxaa ka mid ah Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika haweeneyda lagu magacaabo Molly Phee, oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrinta ku saabsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub, iyo sidii howshaa Soomaaliya looga gacan siin lahaa.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in shirka uu ka jeediyo khubad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.