Raysilwasaaraha Somalia oo Shuruud Ku Xiray wadahadal ay dowladiisu la gasho Argagixisada Alshabaab

28-Feb-2024- Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal la gasho kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, haddii ay taasi horseeddo nabad ka dhalata dalka, inkastoo Ra’iisul Wasaaruhu uu shuruud ku xiray inay joojiyaan. marka hore. Dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dagaalka oo kaliya xal nooma aha, dagaalka waxaan ku raadineynaa nabad, laakiin xalka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa wadahadal iyo isku imaansho, in la is qanciyo ayuu xalkeenu kuma jiro dil iyo is qarxin, qofku marka hore dambiga gacanta ha kala baxo, markaas kadib ayey toobadu u furan tahay.”

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta Muqdisho ka daahfuray shirka Mabaadii’ida Nabadda Soomaaliya ayaa cadeeyey in dagaalka ay dowladda Soomaaliyeed kula jirto kooxaha Khawaarijta ah uu yahay nabad raadin

Dagaalka aan kula jirno Khawaarijta asalkiisu waa nabad raadin, ayuu yiri Raysilwasaaraha oo intaas ku daray “anagu waxaan nahay nabadoono, qof in la dilo hadal nooma aha, nabadda ayaan ku haminaa, ragga hadda duurka ku jira, hadii ay ka soo laabtaan犀利士 fikirkaas qaldan waa walaalaheen, waana soo dhawey doonaa,” ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya.

Xamza Barre wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharaftay kuwii horay uga soo haray fikirrada guracan ee argagixisada, isla markaana uu hadda balan-qaadayo in wax faquuq ah aysan kala kulmi doonin dadkooda hadii ay ka soo haraan kooxaha argagixisada ah.