Raysilwasaaraha xilgaarsiinta oo tagay dakada kismayo

7″ July ” 2021″ Kismayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeer ku tegay dekadda weyn ee Magaalada Kismaayo, kadib markii Maanta halkaas uu socdaal ku gaaray.

Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoona soo kormeeray habsami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta socdaal ku tegay Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana halkaas siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada, kuwaa soo ay dowladdu ka hirgelinayso Jubaland si loogu adeego shacabka.

Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda maamulka Jubbaland uu kala xaajoon doona dhammeystirka dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo iyo howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Axmed Madoobe.

Leave a Reply