R/wasaare Rooble Ayaa Ka Hadlay Wax,Ka Qabashada Dhibaatooyin Ka Dhashay Roobab Muqdisho Ka Da,ay

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay guddoonka maamulka Gobolka Banaadir ayaa soon hadal qaaday in si dhaqsa leh wax looga qabto biyaha roobabka ee xiray jidadka caasimadda iyo caawinta dadka ku waxyeelloobay roobabka muqdisho ka da,ay.

Roobkii xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Muqdisho ayaa biyo dhigey wasooyinka qaar magaalada Muqdisho,kuwaas oo xirmay.
Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.ayuu yiri raysilwasaaraha .
Ra’iisul Wasaaraha oo tacsi u diray qoysaska 3 ruux oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in ay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee roobabku waxyeelleeyeen,

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku boorriyay in dadka caasimadda la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, isagoo yiri” Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay

Leave a Reply