Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in tiknoolajiyaddu ay qayb ka qaadato yareynta musuq-maasuqa

Muqdisho, 17, October, 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay Teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunku u wareegay adeegsiga Teknolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an Xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay dowladdu dhiiri galinayso ganacsiyadda gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey Shirkada Isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha Bandhigga Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in hadda dowladdu ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada.

Shirkadda Hormuud Telecom iyo Bangiga AgroBank ayaa Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed ku kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo isku xiraya adeegga #Waafi iyo AgroBank, macaamiishana u suuragelinaya in ay Waafi ka maamushaan akoonnada ay ku leeyihiin AgroBank.