Daawo: Raysilwasaare Xamsa Oo Si, dadban u weeraray Axmed Madoobe

Ra’iisul wasaare Hamza Abdi Barre “Waxaa bogaadinayaa Ciidamada Geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gartay in aan laga horgeyn Walaalahooda Ciidanka xoogga dalka ee ay isku Cadowga yihiin, dowladda ayaana ku abaal Marin doonta”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Dan‐Qaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga naafada, ayna ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada naafada ah iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhan yahay.

“Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in xukuumadda ay ka go’an tahay xal u helida colaadaha, cirib-tirka Khawaarijta iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.