16″ Aug”2022″ Muqdisho
Raysilwasaare Xamza ayaa dib u hawl-geliyay Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo ay horkacayaan gudi uu isagu gudoomiye u yahay iyadoo uu jiro ergey madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo arimaha bani,aadantinimada Dheeho.com
Shir aan caadi ahayn oo caawa ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa laga soo saaray in la howlgaliyay haya,adda maareeynta masiibooyinka qaranka sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumada Somalia Farxaan maxamed jimcaale
Wali ma cada talaabadan degdega ah ee caawa soo baxday in ay tahay mid salka ku haysa khilaaf iyo in kale waxayse u ektahay in dowlada madaxweyne xasan shiiq ay isku heeysato howsha maamulka gargaarka bani,aadntinimo ee la gaarsiinayo soomaalida abaarsatay
Shirkan degdegga ah ee caawa oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:
- Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka
- Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.
- Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.
- Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.
- Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.
- Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.
Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:
- Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
- Wasiirka Maaliyadda
- Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
- Wasiirka Amniga Gudaha
- Wasiirka Gaashaandhigga
- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
- Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
- Culimada Soomaaliyeed
- Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
- Ururada bulshada Rayidka 壯陽藥 >