26,November 2020 Goal.com
Eden Hazard ayaa dhaliyay rigoorada halka Rodrygo oo bedel ku soo galay uu dhaliyay goolka labaad iyadoo Real Madrid ay 2-0 kaga badisay Inter Champions League.
XAYEEYSIIN “

Inter ayaa qarka u saaran inay ka baxdo Champions League ka dib markii guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay Real Madrid Arbacadii ciyaar ka dhacday San Siro.
Madrid ayaa kulankii ka soo horjeedka ku badisay 3-2 horaantii bishaan si ay u soo nooleeyaan ololahoodii Group B waxayna si xoogan ku bilaabeen kulanki ugu horeeyay ee labadan koox ku dhexmara garoonka caanka ah ee Inter tan iyo 1998.
