Reysilwasaare Xamza oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo boqolaal bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ujeedka socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu ka qeyb-gali doona xafladda sanad guurada 6-aad ee ka soo wareegtay muddada uu maamulka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxaa Baydhabo uga sii horreeyay guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo isagu shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa markaas ka jawaabay dalab uga yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku casuumay inuu soo gaaro Baydhabo, wuxuuna ka qeyb-galay munaasabadda sanad-guuradiisa.

Lafta-gareen ayaa dabaal-degaya sanadkiisii lixaad, iyada oo weli ay dood ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi, maadaama uu ka dhamaaday mudo xileedka.