Abaarta Iyo daadadku waxay u muuqdaan kuwo ku balamay Somalia inay u kaxeeyaan xaalad cabasho oo taagan xili walba !!

6-:November-2023

Somalia” Xili Walba Xaalad Cabasho” Webmaster Dheeho News Every Day Elmi Osman Farah Boodhari

Abaarta Iyo daadadku waxay u muuqdaan kuwo ku balamay Somalia inay u kaxeeyaa xaalad cabasho oo taagan xili walba

Dowlada Somalia oo shalay ku dhawaaqday Xaaladda deg-deg ah ayaa maanta shir la qaadatay ganacsatada si loo abaabulo gurmad balaaran oo aan loo kala harin Iyo gargaar aan ku foorarin masiibo abaareed balse markan ka turjumaya dhibaatada daadad ka dhashay duufaanta El-Niño.

Roobabkii dayrta oo dhowrkii casho ee ugu danbeeyay ka da’ay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Bay, iyo qeybo ka mida Mudug ayaa uga sii daray duruufaha bulsho ka ku jirtay ka soo kabsashada Abaar ka dhalatay afar xili robaad oo la waayay .

Wabiyada oo buux dhaafay iyo kor u kaca biyaha ayaa ah ayaa keentay in boqollaal qof ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen halka kuwa kale ay weli ku xayiran meelo kala duwan oo ay dhibaatadu ka daadadku ay ka jiran

Xaafado ka tirsan degmada Baardheere waxaa saameeyay fatahaada wabiga Jubba, taasoo keentay in dad badan ay ka barakacaan gobolka Gedo.

Magaalooyinka Baydhabo, Gaalkacyo Iyo Ballad Xaawo oo wabiyaddu ay ka fogyihiin ayaa waxaa ka soo yeeraya qayladhaanta daadadka oo qasaaro nafeed iyo mid hantiba geeysanaya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

Laba sano ka hor dalku waxa uu la tacaalayay masiibada abaar halakeeysay dad iyo duunyo oo sababay in dunida loogu qeylo-dhaansado sidii loo xakameyn lahaa

Isagoo ka jawaabaya xiisadan taagan, Senator Adam C/naasir oo Aqalka Sare u matalaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Caalamiga ah gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka dhibaateysan. Xaaladdu weli waa halis, oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto si looga caawiyo gobolladan roobabku ku dhufteen inay dib u dhistaan ​​oo ay soo kabtaan.

Leave a Reply