Rooble “Gacantii dishay Ikraan Tahliil ayaa dishay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi”

31″ March “2022” Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in aanu ka hari doonin caddaalad u raadinta Ikraan Tahaliil iyo Allah u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo uu sheegay in uu aamisan yahay in ay isku gacan ku bexeen, isagoo dhanka kalena sheegay in ay ka go’an tahay in doorashad lagu soo afmeero xilligii uu u qabtay guddiga FEIT.

Sidoo kale RW Rooble ayaa sheegay in gacanta dishay Aamino ay tahay gacantii ay ku baxday Ikraan Tahliil oo horey uga tirsaneed sirdoonka Soomaaliya isla markaana la waayay.

“Waxaan aaminsanahay sida aan u aaminsanahay in aan caawa dhiman karo in Aamino gacanta ka gardaran ee dishay ay ahayd gacantii Ikraan ka dambeysay” ayuu yiri ra’iisul Rooble”ayuu yiri Mr Rooble.

Isagoo hadalkiisa sii wato R/wasaaraha Soomaaliya waxaa uu sheegay in in ka hor dhimashadii marxuumad Aammino ay isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe ka wada hadleen khilaaf ka dhex taagnaa guddiga doorashooyinka ee maamulkaas oo sida uu Rooble sheegay guddoomiyihii la badalay uu doonayay in kursaas uu ka mid yahay kursiga Aamino u tartamaysay cid gaar ah loo xiro.

Kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Hirshabeelle lana magacaabay guddoomiye kale ra’iisul Rooble wuxuu sheegay in wakhtigaas wax yar kadib loo soo diray fariimo loogu hanjabayo.

壯陽藥 -type-rich is-provider-twitter wp-block-embed-twitter”>