Rooble Iyo Shiiq Shariif oo Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 ka Mey Aawgeed Hambalyo Diray

15″ Mey ” 2021 ” Saturday ” Muqdisho “

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xuska Munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u diray dhalinyarada Soomaaliyeed hambalyo ku aadan sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

XAYEEYSIIN

REAL STATE BURUUJ CONSTRUCTION COMPANY

“78 sano ka hor, ayay 13 dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed aasaaseen urrukii SYL oo doorka ugu weyn ku lahaa in dalkeennu hanto xornimada aan maanta harsaneyno.Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee xornimada horseeday waxa ay Soomaali dhaxalsiiyeen taariikh mug weyn oo ifeysa iyo tusaale Soomaalinimo, Gobanimo, Daljaceyl iyo Isku duubni.”.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa ku sheegay in dhalinyarada ay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalka, isagoona dhalinyarada ku tilmaamay inay weli yihiin tiirka ay ku taagan tahay dowladnimada, uguna hambalyeeyay xuska 15-ka May.

“Waxaan bogaadinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed xuska munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL oo maanta ku beegan. Dhallinyaradu waxay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalkeenna, walina waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimadeenna, marka la eego sida ay uga muuqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha rayidka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu Qoraalkiisa sii raaciyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhalinyaradii horseeday halganka ay dunida iyo dadka Soomaaliyeedba bareen awoodda dhallinyarada iyo sida ay guulaha uga soo hoyn karaan dhinac walba, markii laga helo daacadnimo iyo isku duubni.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro.”

Eng. Rooble ayaa xusay in Xukuumaddiisu iyadoo garowsan muhiimmadda dhallinyarada Soomaaliyeed ay mudnaan gaar ah siineyso horumarintooda iyo sidii loo xoojin lahaa ka qeyb galkooda dhinacyada kala duwan ee nolosha, si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.

“Da’ yarta Soomaaliyeed hablo iyo wiilalba waxaan ku boorrinayaa in ay kaalintooda qaataan, isku duubnaadaan oo dhexda u xirtaan sidii aan dalkeenna uga saari lahayn marxaladda adag ee uu marayo.”

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa waa dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro (13) oo wax bartay,kuna mideysan Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka Umaadda iyo baadigoobka xornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Aasaasayaashii Ururka SYL

C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin Guddoomiye

Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaake

Maxamed Xirsi Nuur (Sayidiin)

Xaaji Maxamed Xussen Mahad

Cismaan Geedi Raage

Dheere Xaaji Dheere

Daahir Xaaji Cisman (Dhaga-weyne)

Cali Xaasan Maslax

Maxamed Cali Nuur,

Maxamed Faarax Hilowle

Maxamed cabdullahi Xayeesi

Huudoow Macalin Cabdullahi Saalax

Maxamed Cisman Baarbe Bardh

Xayeeysiin

Dhinaca kale, Gobolada Woqooyi,waxaa xilliyadasi ka jiray dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League),kuwaas oo u howlgalay dadaallo lagu raadinaayey midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu baaahiyo guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii maamulkii Ururka SYL waxa ay ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii dii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qeybaha Bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka

15-a May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo soo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Leave a Reply