27″ July “2021
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Dowladeed, daneeyayaasha arrimaha waxbrashada iyo hoggaamiyeyaasha dhalinyarada ,iyada oo xoogga lagu saari doono horumarinta nidaamyada waxbarashada ee dalalka ka qeybgalaya shirka.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya.