Saturday”21″August”2021″ Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn, ayaa u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta ka socotay AMISOM iyo Uganda ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dowladdu uga jawaabi doonto falkaasi, waxaana intaa ku daray in marnaba aysan Xukuumaddiisu aqbali doonin in lagu xad gudbo shacabka Soomaaliyeed, dhibaatana la gaarsiiyo.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi u saaray dhacdadaasi, waxaana Guddiga uu magacabaay ka mid ah Wasiirka Amniga, Caddaalada, Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga