DAAWO : Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray amarro cusub oo uu uga jawaabayo xiisadda ka taagan madaxtooyada

MONDAY “MOGADISHU — 27” Dec”2021

Ra’isal Wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa saaka tegey xafiiskiisa, kadib markii ay ka hor istaageen ilaallada koofiya casta ee waardiyeysa Madaxtooyada Soomaaliya inuu halkaa tago.

Dadaal ay sameeyeen taliyayaasha Milatariga iyo Booliska ee Dawladda Federaalka ayaa guuleystay, waxayna qanciGoor sii horeysayna Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu soo faragaliyay shaqadiisa, isla maraakana uu ciidan soo dhoobay xafiiskiisa.

Xalayna waqti dambe Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaaraha. Safiiradda reer galbeedka ee Muqdisho fadhiya ayaa iyana ka digaya in xiisadda taagan loo badalo gacan kahadal.yeen ciidankii la dhigay xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha in la qaado.

Ra’iisal wasaare Rooble oo ciidamada qalabka sida amar u soo jeediyay

Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay xiisadda ka dhex aloosan asaga iyo madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada madaxweyne Farmaajo tahay inuu carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo “si sharci darro ah.”

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhanka kale ugu baaqay inay ciidamada qalabka sida ay isaga si toos ah uga amar qaatan isaga oo sheegay in cid kasta oo amarkaasi ka hor timaadana ay si deg deg ah ula tiigsan doonan sharciga.

“Waxaan farayaa dhamaan ciidamada qalabka sida inay si toos ah uga amar qaatan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray amarro cusub oo uu uga jawaabayo xiisadda ka taagan madaxtooyada

Ra’iisal wasaare Rooble oo xafiiskiisa tagay ka dib “xiisaddii ka taagnayd Madaxtooyada”

壯陽藥 2_362.jpg” alt=”” class=”wp-image-44242″/>

Ra’’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aya jawaab adag ka bixiyay qoraalkii uu xalay madaxweyne Farmaajo soo saaray ee uu ku sheegay inuu Rooble shaqada uga joojiyay.

Rooble ayaa sheegay in warka kasoo baxay Farmaajo uu yahay tallaabo hareer marsan dastuurka iyo sharciga dalka, wuxuuna mas’uuliyadda wixii ka dhasha sheegay inuu qaadan doono madaxweyne Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble si caadi ah u wato shaqo maalmeedkiisa, isla markaana ay ka go’an tahay in aanu cidna ‘ugu heybeysan gudashada waajibaadkiisa.’

Qoraalka xafiiska RW Rooble ayaa lagu yiri “Madaxweyne wakhtigisu dhammaaday wuxuu caadeystay kutumashada dastuurka, shuruucda yo xeerarka waddanka u yaalla, isagoo lumiyay dhammaan awoodaha sharci ee ku xusan qodobka 87aad ee dastuurka”

Rooble ayaa qoraalkiisa ugu danbeyn ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu bilaabay wax u eg afgambi ciidan.

Muranka u dhaxeeya labada hoggaamiye ayaa cirka isku sii shareeray 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo “ku takrifalid dhul dan guud ah” oo ay leeyiiin ciidamada Soomaaliya.

Khilaafkan cusub ayaa casbi iyo jahawareer badan ka dhaliyay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maraykanka iyo waddamada daneeya arrimaha Somaaliya ayaa walaac ka muujiyay muranka cusub ee labada hoggaamiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo maamul goboileedyadu ay si degdeg ah u dhammeystiraan doorashooyinka, sidoo kalena walaacyada jira ay hab furan oo la aqbali karo wax uga qabtaan.

Mareykanka iyo UK oo sheegay in aan la aqbali doonin qalalaase ka dhaca Muqdisho

Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa qoraal ay bartooda Twitter-ka soo dhigeen waxa ay madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ee khilaafka ka dhex aloosanyahay ugu baaqeen inay si deg deg ah u dajiyaan xiisadda ka taagan Muqdisho.

Safiirka UK, Kate Foster ayaa sheegtay inaan loo dulqaadan karin lana aqbali doonin qalalaaso ka dhaco magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo ku dhawaaqay go’aan cirka ku sii shareeray khilaafkii kala dhexeeyay Rooble

Farmaajo iyo Rooble

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ra’iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay “tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed.”

Warkan oo aan ka soo xigannay Villaa Somalia ayaa sheegaya inta laga soo gabagabeynayo baaritaanka looga gun gaarayo tuhunka musuqmaasuqa ee soo galay Raisal Wasaaraha laga joojiyey shaqada iyo awoodaha uu leeyahay.

Waxay ka dambeysay khilaaf hor leh oo ku saabsan doorashada oo isbucan soo kala dhexgalay labada mas’uul ee ugu sareysay dalka.

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha saaka aroortii waxaa lagu sheegay, madaxweynaha marka uu arkay in “Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fureen baaris looga gun gaarayo tuhunka la xiriira Musuqmaasuqa dhul dan-guud ah oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inuu tallaabbada shaqo joojinta qaaday.”

Mahdi Guuleed oo ka hadlay xiisadda Farmaajo iyo Rooble

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay in ay dalka badbaadiyaan isaga oo sheegay inuu yahay Tabliiqi Nabadeed.

“Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.Article share tools

Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta oo sheegay in ciidamo la geeyay xafiiska Rooble

Al-cadaalaCopyright: Al-cadaala

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku shaaciyay in ciidan si “sharci darro” ah lagu geeyay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

“Ra’iisal wasaare Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah.” ayuu yiri.Article share tools

Leave a Reply