12″ July “2021 Jubaland
Guddoomiye Axmed Buule Canjeex oo ay BBC-da weydiisay arrimaha ay ka wada hadleen ray’sal wasaaraha, wuxuu sheegay in Ra’iisul Rooble u sheegay inuu dowrkiisa koobaad yahay in doorasho ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, uuna taasi ku dadaalayo sidii ay u dhci lahayd.
“Inagana waan soo dhaweynay arrintaasi, diyaar in aanu nahayna waan u sheegnay, laakiin waxaan u sheegnay in anaga iyo Axmed aanan wax xiriir ah lahayn, dadkaanna ay go’aan ka gaareen,” ayuu yiri.
“Jubbaland deegaankeeda dadka u dhashay waxay isugu imanaayan Garboaarrey, gogolna ay u taallo halkaas oo ay isugu tagayaan ugaasyadooda iyo wax garadkooda, ka dibna in ay dowlad dhistaan ay ka go’antahay, ayaan u sheegnay raysal wasaaraha,” ayuu hadalka ku sii daray Canjeex.
Raysal waseere Maxamed Xuseen Rooble, mar uu Kismaayo Ka hadlayay wuxuu sheegay in doorashada Jubaland ka dhacayso – ha noqoto tan Garbahaarreey ama Kismaayo – in maamulka uu mas’uul ka yahay.
Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in uu kula xisaabtamayo Madaxweyne Axmed Madoobe, balse guddoomiye Axmed Buule ayaa sheegay in marnaba aysan aqbalaynin dad Axmed Madoobe uu soo magacaabay.
Wuxuu ku doodayaa in “muddo xileedkiisa uu dhammaanayo kuna egyahay bisha Sideedaad ee sannadkan” ayna raysal wasaaraha arrntaasi u sheegeen.
Maamulka Gedo: Xiriir iyo wada shaqeyn nagamada dhaxeyso Axmed Madoobe
Gudoomiyaha Gedo, Axmed Buule Gareed
Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in wax xiriir iyo wada-shaqeyn ah uusan kala dhaxeyn madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayna sugayaan sida ay sheegeen in muddo xileedkiisa uu dhamaado.
Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in maadaama uusan xiriir ka dhaxeyn maamulkiisa iyo maamulka Kismaayo, aysan aqbali doonin guddiga doorasho oo heer maamul-goboleed ah oo laga soo magacaabay magaalada Kismaayo.
Arrinta gobolka Gedo waxay qeyb ka ahayd khilaafkii ragaadiyay doorashada Soomaaliya ee dib u dhacday, waxaase heshiiskii xukuumadda iyo maamul-gobolledyada ka mid ahaa in guddi dib u heshiisiin loo saaro arrinta Gedo.
Hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasi oo la filayay in labada dhinac uu isu soo dhaweeyo.
Arrintan waxay dhallin kartaa in khilaaf cusub oo doorashada la xiriira uu soo baxo, kaas oo saameyn ku yeelan kara doorashada baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee Bisha October.
Maamulka Gedo ma gudbiyeen guddigaas?
Guddoomiye Axmed Buule Canjeex wuxuu yiri: “Dadka deeganka wey wadahadleen, wayna ogaayeen in guddigaasi laga sugayo, waxayna soo gudbiyen afar qof oo ay laba guddomiye u dooran tahay labana ay guddomiye ku xigeen u doorantahay.
“Waxaana afartaas qof ay odayaasha deegaanka ku wareejiyeen Ugaaska guud, ugaaskana wuxuu u gudbin doonaa afart qof ee ka socota maamul goboleedyada kuwaas oo ugu dambeyn raysal wasaaraha u gudbinaya.”
Balse BBC-da ayaa guddoomiye Buule xusuusiyay in ugu dambeyn guddigaasi uu raysal wasaaraha u gudbin doono madaxaweynaha Jubbaland.
“Ha u gudbiyo laakin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo,” ayuu ku jawaabay
“Axmed iyo inaga heshiis nagama dhaxeeyo, wadahadalna nagama dhexeeyo, waxa keliya ee inoo dhaxeeya waa heshiiskii 17-ki September oo uu hoggaaminayo mas’uulna ka yahay raysal wasaare Rooble”, ayuu carabkiisa ku adkeeyay.
Arrinta gobolka Gedo ayaa ka mid ahayd waxyaabaha heshiiska laga gaari waayay si Soomaaliya ay uga dhacdo doorashada xilligeeda ka dib dhacday, sida ay ku doodeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.
Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka.
Nidaamka federaalka ee Soomaaliya waxaa loo aasaasay si loo soo afjaro khilaafaadka daba dheeraaday ee u dhexeeya qabaa’ilka, kaasoo hor istaagay isku daygii lagu dhisi lahaa dowlad mideysan laakin waxaa muuqata in hadafkii laga lahaa lagu guud dareeystay oo aanu xal badan keenin.