2 ” May “2021 ” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir isugu yeeray Madaxda Dawlad Goboleedyada dalka iyo Gobolkani Banaadir.
Shirka uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxda Dawlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa uu dhici doonaa 20ka bishan May, waxaana lagu qaban doonaa sida Ra’iisul wasaare Rooble iclaamiyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ah mid looga hadlayo arrimaha dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa uu muhiim u yahay hannaanka doorashada ee dhawaan lagu wareejiyay maamulkeeda Xukuumadda uu hoggaamiye RW Rooble.