27″ July “2021″ Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kusoo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa ku boggaadiyay Madaxweyne Axmed Madoobe soo gudbinta Musharaxiinta iyo Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in doorashada ay bilaabatay, wuxuuna dowlad Goboleedyada ee dalka ugu baaqay inay dedejiyaan qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada. Doorashadu way bilaabatay, Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay dedejiyaan qabashada doorashada” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubbaland.
Dhinaca kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ay dhaceyso 29-ka bishaan July oo ku beegan khamiista soo socota, sida ku Cad jadwal ay soo saareen Guddiga.
Dhuusamareeb” Kulan Looga Hadlay Amniga Doorashad
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay diyaargaroowga doorashada oo galmudug ka muuqda markii maanta ay dhuusamareeb ku yeesheen kulan looga hadlayay amniga doorashada oo uu shirgudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed iyo maamulka Caasimada.
Shirka waxaa looga hadlay sugida amniga doorashooyinka dhawan ka dhici doona guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.
Taliyaha Booliska Galmudug Gen Khaliif ayaa Madaxweyne ku-xigeenka ugu warbixiyay sida ay ugu diyaar garooben sugida Amniga Doorashoyinka Galmudug ka dhacaya gaar ahaan Caasimada Dhuusamareeb iyo Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug sida ay ugu diyaar garobeen Doorashada waxana u faray in la si labo jibaaro dadaalada logu diyaar garobayo Doorashada Galmudug
“Sida aad wada ogtihiin Galmudug waxay ku jirta dagaal ka dhan ah Al-shabaab waxan go,aansanay in gacana aan Al-shabaab ku suulino gacana aan Doorasho ku galno” ayu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid