16″ Aug”2021″ Qaahira” Monday
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar. Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Masar Moustafa Madbouly.
Soo dhaweyntaan heerkeedu sareeyo waxay ka tarjumaysaa xiriirka qotada dheer ee labada dal walaalaha ah ka dhaxeeya iyo sida mar waliba Masar ugu heelantahay gacan qabashada iyo garab istaaga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxwaynaha Dalka Masar Mudane Cabdul Fataax Alsisii